Allbanaadir.com
NEWS

Xil ka qaadis lagu sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga (Akhriso Digreeto)

Wareegto kasoo baxday Xafiisa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka looga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda C/llaahi Xayir Ducaale iyo Agaasimihii Waaxda Ganacsiga C/qaadir Cismaan Maxamed.

Wasiir Maareeye ayaa Agaasimaaasha uu xilka ka qaaday gaar ahaan Agaasimihii guud ee Wasaarada ku eedeeyay maamul xumo iyo wax is daba marin, waxa uuna ku amray Agaasimaha xilka laga qaaday in uu si deg deg ah xilka u wareejiyo.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa si KMG ah agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga loogu magacaabay  C/kariin Maxamuud Axmed oo horay u ahaa xilka Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo xiriirka dowlad goboleedyad.

Halkan ka Akhriso Wareegtada xil ka qaadista

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka fuliyay deegaanno ay joogeen Al Shabaab

Cabdi Cade

Xabad joojintii India & Pakistan oo lagu xad gudbay

Caydiid Ali

Xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Doorashooyinka Qaranka (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---