Ciidamada AMISOM oo dil u geestay Lamaanayaal Soomaaliyeed (Akhriso Magacyada)

Warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaaray Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dad shacab ah oo aan waxba galabsan ay ciidamada AMISOM Madaafiic ku dileen.
Ciidamada AMISOM ayaana dadka ay madaafiicda ku dileen waxa ay ahaayeen lamaanayaal gurigooda ku sugnaa , waxaa sidoo kale madaafiicdaasi ku dhaawacmay labo qof oo kale oo mid kamid ah caruur tahay.
Lamaanayaasha Madaafiicda Ciidamada AMISOM tuureen ku dhintay ayaa magacyadooda lagu sheegay Cismaan Cali Axmed iyo xaaskiisa oo lagu magacaabayay Xamse Maxamed Cali, waxaa sidoo kale madaafiicda ku dhaawacmay Safiyo Maxamed Cali iyo Sumaya Cali Xaaji Maxamed.
Dadkan dhimashada iyo dhaawaca kasoo gaartay madaafiicda Ciidamada AMISOM ku garaaceen qeybo kamid ah degmada Qoryooley ayaa ahaa dad ehel ahaa, waxaana dadka dhaawacyada kasoo gaaray madaafiicda hada lala tacaalayaa xaaladooda Caafimaad.
Taliska ciidamada AMISOM iyo dowlada federaalka Soomaaliya ayana wali ka hadlin dadkan shacabka ah ee ku dhintay duqeynta ay geesteen ciidamada AMISOM, waxa ayna ehelada dadkan dalbadeen in cadaalad helaan.
Ciidamada AMISOM ee ka howlgalada qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa marar badan si bareer ah iyo si aan ku tala gal aheyn waxa ay ku laayeen shacab badan , mana jiraan magdhaw ay inta badan AMISOM ka bixisay dadkaasi ay laayeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 
- Advertisement -