Xaalad adag oo ka taagan degaanada dagaaladu ka jiraan ee Gobolka Hiiraan

Shacabka ku dhaqan degaanada hoos taga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan iyo degaano kale ayaa laga soo warinayaa xaalad nololeed tii ugu adkeyd abid kadib markii ay iskugu darsameen Colaad iyo abaar isku soo beegmay.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanadaasi waxaa taagan sicir barar dhanka maciishada ah maadaama isku socodka gaadiidka uu aad u liito dagaalada socda iyo xiisadha colaadeed ee gobolka ka jira awgood.

Kiilada Sokorta ayaa la kala iibsanayaa $3.5 xili ayba sii dheertahay sidaad ku heli laheyd hadiiba lacagtii xitaa aad heysato.

Raashinka daruuriga ah intiisa kale iyo biyaha caadiga ah ayaa sidoo kale ay ku dhiban yihiin dadka jilcan sida Haweenka ,Caruurta iyo dadka da’da ah.

Arinta ugu yaabka badan ayaa ah in ay aad ugu adag tahay shacabku xitaa ay ka soo baxsadaan goobahaasi dhibaatada nololeed iyo colaadu ka taagan tahay.

Xaalad sidaan oo kale ah ayaa iyana laga soo sheegayaa degaanada gobolka  Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Duqeymaha diyaaradaha ayaa u sii dheer shacabkaasi kuwaasoo hawada ka taageeraya  ciidamada Dowlada iyo kuwa beelaha oo iskaashanaya oo ay is hayaan  Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -