Xarumaha warbaahinta oo maanta si weyn looga hadal hayey hadalkii shalay ee Madaxweyne Farmaajo !!

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayey shirka London ay shalay ku yeesheen wefdi ka socda dowladda Soomaaliya & madax ka tirsan shirkadaha [Soma oil and gas and Spectrum Geo], ayaa difaacay shirkaasi, isaga ujeeddada shirkaasi ku tilmaamay bandhig lagu soo bandhigayey kheyraadka Soomaaliya, ee aanu ahay shir kheyraad lagu xaraashayey.

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu saxaafadda ku booriyey in looga baahan yahay in ay qaadato kaalin dhiiragelin ah, kana fogaato faafinta waxyaabaha niyad jebin kara shacabka

“Soomaaliya waxaa laga sheegaa wax [negative] ah, dowlad musuqmaasuq ah ayaa na lagu sheegaa, maxaa noo diiday inaan ku faano waxa keliya ee aan haysano oo ah kheyraadka.? adduunku inuu inoo soo dhowaado ayaan rabnaa” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka Madaxweynaha, ayaa noqday hadal haynta ugu badan ee maanta xarumaha warbaahinta, waxaanna dadka qaar ay isweydiinayaan waxa madaxweynuhu uu saxaafadda ka doonayo mar haddiiba saxaafadda inteeda badan ay jeebka ugu jirto Xafiska Madaxwayanha.

“Dowladda N&N waxeey kaga duwan tahay dowladihii hore, waxeey ku guuleystay hay’ad kasta oo warbaahineed & qof kasta oo baraha bulshada [social media] 50 qofood wax u sheegi kara in ay afka u buuxiso, ayna ka siiso mushaar joogta ah, waxaa jira hay’ado warbaahineed & suxufiyiin diiday laaluusha hasse ahaatee aan ku dhici karin in ay soo bandhigaan dhacdooyinka xaqiiqda ah ee dalka ka jira” Ayuu yiri mid ka mid ah suxufiyiinta Muqdisho oo ku sugnaa goob maqaaxi ah, kana gaabsaday magaciisa, wuxuuna tilmaamay in dowladdani ay saxaafadda ku maamusho hab dhaqan ka duwan kuwii hore.

Mar kale, wuxuu yiri:

“Saxaafaddu shaqadeeda dhabta aha waxeey tahay in ay la xisaabtanto dowladda, albaabka ku garaacdo madaxda, wax walba oo oo balanqaad ah oo ay madaxdu sameeyeen la yiraa, maxaa qabsoomay.? in madaxda la hordhigo sababta ay ammaanka wax uga qaban la’yihiin, in la hubiyo wixii ka qabsoomay adeegyada caafimaadka, waxbarashada & dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha, saxaafadu waa buundadii isku xireysay dowladda & shacabka, haddii se madaxweynuhu doonayo in saxaafadda ay afka xirato ama ay heesto taas wax dhici kara ma ahan”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -