G/sare Cabdi Naasir Xoosh oo maanta lasoo taagay Maxkamad Ciidamada Qalabka sida

Sargaal katirsanaa Ciidanka badda Soomaaliya oo dhawaan magaalada Muqdisho ku dilay Taliye kuxigeenkii Ciidamada Badda Saciid Aadan Yuusuf (Saciid Mariino) ayaa lasoo taagay Maxkamada ciidamada Qalabka sida.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta  bilowday dhageysiga kiis dil ah uu geestay G/sare Cabdi Naasir Xoosh oo 18-kii bishii janaayo gudaha dekada Muqdisho ku dhax dilay Saciid Mariino.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa furay dhageysiga kiiska dacwada loo heestay sargaalkan katirsanaa ciidanka badda ee dilka u geestay taliyihiisa.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa horey loo soo taagay xukuno kala duwana ku riday saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada oo dad shacab ah iyo ciidamo kale dilal u geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -