Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay waxyaabaha Maanka-dooriya iyo ninkii watay (Sawirro)

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Hodan ku qabtay nin dhallinyaro ah oo watay waxyaabaha maanka-dooriya oo ka ganacsanayay qamri iyo calaq.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada qabteen nin ka ganacsanayay waxyaabaha maanka-dooriya , waxa ayna sheegeen in ninkaasi xabsi la dhigay kuna socdaan baaris.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in ninkan la xiray baaris kaddib loo gudbin doono maxkamad si loogu qaado kiiska dacwadaha loo heesto, waxa ayna booliiska shacabka ka codsadeen in ay lasoo wadaagaan xogta goobaha lagu gado maan-dooriyaha.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday howlgalo ka dhan ah waxyaabaha maanka-dooriya sida khamriga, calaqa iyo xashiishka, waxa ayna ciidamada qabteen maan-dooriyaal iyo dadkii ka ganacsanayay ama waday qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg deg ah la qaatay Senator Cabdi Qeybdiid

admin

Faahfaahin: Saldhig ciidamada Kenya ku leeyihin Jubada hoose oo la weeraray

Caydiid Ali

Ku-simaha Madaxweynaha oo Arrimo muhiim ah kala hadlay James Swan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---