Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Gudoomiye Mursal & Madaxweyne Geelle? (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa la kulmey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab.

Guddoomiye Mursal ayaa Madaxweyne Geelle uga Mahad celiyey taageerada joogtada ah ee uu isaga iyo dowladiisu la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kale warbixin ka siiyey xaalada Somalia.

Dowlada Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga dhowr kun oo askari kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna badankood ka howlgalaan gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Geelle ayaa dhinaciisa sheegay in Somalia ay hadda cagta la heshay wadadii ka soo kabashada burburka, wuxuuna baarlamanka ku amaanay sida hufan ee uu gudanayo howlaha qaranka, isagoo balan-qaaday in Jabuuti ay sii wadeyso taageerada ay siiso Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo ka soo horjeesatay hadal ka soo yeeray urur goboleedka IGAD

Caydiid Ali

MUQDISHO: Ciidanka NISA oo dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo Baaq cusub u dirtay Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---