Qaramada Midoobay oo Baaq cusub u dirtay Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweesay sidoo kale boorisay shirka magaalada Muqdisho gaar ahaanm teendhada Afisiyooni uga furmay madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

”Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil” ayaa lagu yiri qoraal; kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale loogu baaqay madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada in shirka sii wadaan heshiisna ka gaaraan khilaafka doorashada.

”Waxaan fahansannahay in madaxdu ay qorsheynayaan in ay sii wadaan wadahadalkooda, waxaan ku boorrineynaa in ay heshiis ku gaaraan wadahadalladan muhiimka ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Shir beesha caalaamka ku cadaadisay in Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada isugu yimaadaan ayaa maalintii sabtida ka furmay teendhada Afisiyooni, shirkan oo socday labo maalin ayaan wali kasoo bixin ax natiijo ah..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -