Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin dhalinyaro ah oo kufsi argagax leh kula kacay ayeeyo 86 sano jir ah

Mid ka mid ah kiisaska sida weyn looga naxay ee kufsiga ah ayaa Isniintii ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Delhi ee dalka India ka dib markii Nin da’diisa lagu qiyaasay 30-meeyo loo xiray kufsi uu u geystay haweeney ayeeyo ah oo jirta 86 sano.

“Haweeneydu waxay maqribnimadii Isniinta gurigeeda hortiisa ku sugeysay ninka caanaha iibiya markii uu u yimid ninka weerarka u geystay,” ayey tiri Swati Maliwal, oo ah madaxa Golaha Haweenka ee magaalada Delhi

Wuxuu u sheegay in uusan imaaneynin ninkii sida joogtada ah caanaha u keeni jiray xaafadda, wuxuuna u ballan qaaday inuu geynayo meel ay caano ka heli karto.”

Haweeneyda waayeelka ah ayaa aamintay hadalkiisa, wayna raacday,” ayey trhi Ms Maliwal, iyadoo intaas ku dartay inuu geeyay meel beer ah, halkaasna uu ku kufsaday.

“Wax badan ayey oysay iyadoo ka baryeysa inuu iska dhaafo. Waxay u sheegtay inay ayeeyadiis oo kale tahay. Laakiin wuu iska dhaga tiray baryadeeda, si naxariis darro ah ayuuna u kufsaday iyadoo isku dayeysa inay iska celiso,” ayey tiri Ms Maliwal.

Dadkii xaafadda ee agagaarkaas marayay ayaa maqlay oohinteeda, wayna badbaadiyeen. Ninkii falka geystayna waxay ku wareejiyeen booliska oo sheegay iney ku soo oogi doonaan dacwad dil ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Kheyre iyo masuuliyiin kale oo kusii jeeda Dhuusomareeb xili halkaasi ay…

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal saacado socday oo ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo ka hadashay Safarada badan ee Dibadda uu u baxay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---