Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqtar dhibaato halis ah u geystay bukaano fara badan oo dacwad lagu soo oogay

Dhaqtar u dhashay dalka Hindiya ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dad gaaraya 33 qof oo ku sugan gobolka Uttar Pradesh uu qaadsiiyay cudurka HIV.

Ninkan ayaa la sheegay inuu hal saliingo u isticmaalay dad kale duwan, taasoo keentay inay xanuunka isu gudbiyaan.

Saraakiil ka socota wasaaradda caafimaadka ee heer federaal ayaa booqan doono degmada Unnao, halkaasoo uu dhibka ka dhacay.

Ma cadda tirada dadka kale ee laga yaabo inay cudurkan qaadeen, balse 33 ka mid ah 566 qof oo uu ka daweeyay xanuuno la xiriira caabuq iyo hargab ayaa cudurka laga helay.

Dalka Hindiya waxaa jira hoos u dhac boqolkiiba 50% oo ku yimid dadka qaba HIV-ga sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Xamse oo soo xiray tartankii Ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir

Caydiid Ali

Xaalad qalafsan oo soo wajahday Soomaalida ku nool Mozambique

Caydiid Ali

Itoobiya in ay bad hesho maxay uga dhigan tahay dalalka deriska la ah ? (Wax badan Ogow)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---