Allbanaadir.com
NEWS

Maxaabiis la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab oo laga soo qabtay buuraha Calmadow (Daawo Sawirro)

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlad goboleedka Puntland ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay degaanada ku teedsan Buuraha Calmadow ee gobolka Bari halkaasoo Saraakiisha puntland ay sheegeen in ay ku jiraan rag ka tirsan Al Shabaab iyo Daacish.

Meelaha ugu badan ee howlgallada laga sameeyay ee Gobolka Bari ayaa waxaa ka mid ah Buuraleyda degaanada Dhadhaabo, Ceeldibir, Durduri, Harweyn, Karin Xagarood, Madarshoon iyo Diindigle oo Buuraha Calmadow ka tirsan kuwaasoo qiyaastii 35-77km Koonfur Galbeed kaga toosan magaalada Bosaso.

Afar Maalmood ayay saraakiishu sheegeen inuu socday howlgalkan, iyagoo intaas ku daray in ujeedadiisu aheyd  sidii Al-Shabaab looga looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin Buuraha Calmadow.

Waxay intaas ku dareen iney howlgalkaas ku soo qabteen rag si weyn loogu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab kuwaasoo loo soo gudbiyey xabsiyada Boosaaso si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Al-shabaab ayaa mudooyinkan fara kulul ku heysay magaalada Boosaaso iyo degaanada la xiriira oo ay geysanayeen weeraro culus iyo qaraxyo ay ku dileen askar iyo dad kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdisaciid oo qaabilay wafdi ka socday dolwadda Faransiiska oo Muqdisho soo gaaray (Sawiro)

admin

Raiisul wasaare Khayre oo kulan la qaatay Madaxweyne Deni iyo Islaan Ciise islaan Maxamed Safar uu ku tagay Garoowe(Daawo Videio)

admin

Carada sii kordheysa ee shacabka Mareykanka ka qaadeen Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---