Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo raaligelin ugu tagay gurigiisa Senator Muuse Suudi

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqasho lama filaan ah ku tagay guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan xildhibaanada Aqalka Sare.

Sida aan xogta ku helay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xurguf siyaasadeed oo meel xun gaartay kala dhaxeysay Senator Muuse Suudi, waxaana booqashada uu caawa ugu tagay lagu sheegay in ay daaraneed raali-gelin iyo salaan sharafeed.

Senator Muuse Suudi ayaa la sheegay in marar badan diiday kana cudur-daartay in uu la kulmo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la sheegay in Muuse Suudi diidmo kala kulmeen ergo badan oo madaxweynaha ka socotay.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in ballamo dhoor ah uga baxay Muuse Suudi oo garab weyn siiyay intii ololaha doorashada socotay, waxa uu sidoo kale Muuse difaacay Xasan Sheekh markii lagu soo weeraray gurigii uu Mirinaayo ka degnaa xilligii Farmaajo

Muuse Suudi ayaana loo ballan-qaaday doorashada markii uu guuleestay madaxwreyne Xasan kaddib in la siinayo shaqsiga laga dhigayo guddoomiyaha gobolka Banaadir, hasa ahaatee ballan-taasi ayaa looga baxay, lamana oga waxa xilligan raali-gelinta kusoo beegay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahdi Guuleed oo lagu eedeeyey inuu boob ka wado ka kuraasta gobolada Woqooyi

Caydiid Ali

Itoobiya oo Dhaqaatiir Adeegyo Caafimaad fulinaysa usoo direysa Soomaaliya

Cabdi Cade

Sawirro” Muqdisho oo lagu qabtay nin Lacag been abuur ah dadka ku siri jiray iyo rag kale oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---