Shaki laga Muujiyay Heshiis dhawaan kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Waxaan ahay Muwaadin Somali ah, waxaan xaq u leeyahay in la ii cadeeyo oo aan ogaado wixii saameynaya Mustaqbalkeeyga & kan caruurteyda.

Dabayaaqadii Bishii Janaayo 2019, waxaa Magaalada Mandheera ey Ku Kala saxiixdeen wasaaradaha Arr. Dibadda ee Dowladaha Somaliya & Kenya Heshiis shaki badan i galiyay oon saacado badan hurdo ii diiday.

Waxaa lagu Kala saxiixday Mandheera dhinaca Kenya, waxaana joogay Masuuliyiinta deegaanka dhinaca kenya.dhinaca kale ee somalida oo goobta Saxiixa 1km Ka yar u jiro Masuuliyiintii Maamul iyo Deegaan ma joogeen? Waa meel dhowr talaabo u jirto Darbi xuduudeedka Labada Dal laga dhax dhisayo. ( F.S: 2 & 3aad)

Haddii Kenya Dalkeeda dhaxdiisa ey Ka dhisanee Darbi iyada ayey u Taal. Haddii ey leedahay Argagixiso ayaan Ku celinaa ,Keymaha Buni ayey ku wareejin laheyd Darbi ama Jasiiradda ey Ugandha isku heystaan.

Haddii Saxiixu khuseeyo Darbiga laga bilaabayo Mandheera, waa la qaloocin karaa dhismaha marka uu u dhawyahay Xeebta, waxa uuna Saameeynaa Xuduud badeedka aan haddana Kenya isku heysano.

Si fiican u fiiri, Map-ka xuduudii hore, sida uu toos ugu socday ayaa loo Soo qaloociyay dhinaca Somaliya, mar kalena hadda waa la sii qaloociyay karaa.( F.S: 4aad)

Waa taa tan aan Ka walwalsanahay, waxaan codsanayaa cidii wax Ka og Warqadaha la saxiixay ee Ku dhax Jira Feylka Cas & kan Buluuga ah in ey noo cadeeyso,Dowladuna iyadaa ayaa nooga wakiil ah in ey noo sheegto.

Hadda waxaan joogaa Nairobi, Dowlada Kenya xaq uguma lihi in aan weydiiyo, laakin waxa ey kuu ogoshahay xuriyad aad su’aashaa Ku Soo bandhigto, Somalia ma laguu ogol yahay Xuriyad aad su’aashaa Ku Soo bandhigto iyada oo Daacad kaa ah?’ waan Ku dadaalaa in aan weydiiyo 10 Cisho kadib marka aan Ku laabto.

Hadba sida loo macneeyo ayey khatar kuugu tahay su’aashani haddii aad Joogto Kenya ama soomaaliya, laakin su’aalaha qaar in laga cabsado ma ahan.

FG: Arragtidaada xur ayaad u tahay, iskuna day in aad jawaab iigu hesho codsigeeyga, adiga oo Ku mahadsan. Hana u qaadan in aad Qof ,ama koox gaar ah aan Ku xumeeynayo, wlh waa iga run.

Qore: Aqoonyahan Yahya Sheekh Amir

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -