Mukhtaar Roobow oo Xabsiga laga sii deynayo iyo Madaxeynaha Koonfur Galbeed oo…

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dadaalo lagu sii deynayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo mudo bil ka badan ku xiran xabsi ay leedahay Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya .

Abuu Mansuur ayaa magaalada Baydhabo laga soo xiray 13-kii Bishii December ee sanadkii hore, waxaana xiliga la xirayay uu u sharaxnaa Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen oo shalay Muqdisho soo gaaray iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa wada dadaalo xabsiga looga sii deynayo Abuu Mansuur.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulamo kala duwan xalay la qaatay Madaxda sare ee dalka, waxa uuna kala hadlayay sidii xabsiga looga deyn lahaa Abuu Mansuur si maamulkiisu u helo taageerada Beesha uu kasoo jeedo Abuu Mansuur.

Gudoomiyaha golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhawaan Baydhabo kula kulmay waxgaradka beesha uu kasoo jeedo Abuu Mansuur ayaa balan qaaday in xabsiga laga soo deeyo Abuu Mansuur wax walbo ay ku qaadato.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in shuruudo adag ku xirtay sii deynta Sheekh Mukhtaar Roobow , waxaana wali socda xal ka gaarida shuruudaha qaar uu diidan yahay Abuu Mansuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -