Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & danjiraha Imaaraatka u fadhiya Somalia?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa xafiiskiisa Villa Somalia kula kulmay Safiirka dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Wakaaladda Wararka Emirates News Agency ayaa ku warantay in kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka, si loo gaaro danaha labada dal iyo labada shacab.

Farmaajo ayaa dowlada Imaaraadka Carabta uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya, isagoo ammaanay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Danjire Mohamed Ahmed Othman Al-Hammadi ayaa Madaxweyne Farmaajo u mahadceliyey, wuxuuna ballanqaaday in dowladda Imaaraadku ay sii wadayso taageerada ay ka siiso Soomaaliya dhinacyada amaanka iyo horumarka.

Xiriirka labada dowladood ayaan wanaagsaneyn mudooyinkan, iyadoo dowlada Imaaraatka carabta la sheego iney fara gelin ku heyso arrimaha Somalia ayna taageero siiso siyaasiyiin mucaaradsan dowlada, waxaana arimahan ay yimaadeen ka dib markii dowlada Madaxweyne Farmaajo ay mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafka u dhexeeya dowladaha Khaliijka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Xijaar oo ka qeyb galay Meertada 24-aad ee Shirka Guud ee Ururka EAPCCO (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Badbaadada Hirshabelle oo ka ka hadlay War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Kismaayo

admin

Mid kamid ah Dowladaha Islaamka oo Xiriirka Milatari u jartay Dowlada Mareykanka

admin
Taboola Ads ---