Golaha Badbaadada Hirshabelle oo ka ka hadlay War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Kismaayo

Loogada Ama Calaamadda Golaha Badbaadada Hirshabeelle

 

Golaha Badbaadada Hirshabeelle oo uu gudoomiye u yahay Siyaasiga caanka ah, C/qaadir Maxamed Cusmaan(Barnaamij), ayaa si aad ah uga soo horjeestay Warmurtiyeedkii ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowalad Goboleedyada(GIDG).

Golaha ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare fashil siyaasadeed iyo mid hogaamineed, dhanka kale Goalaha Badbaadada Hirshabeelle ayaa  ku eedeeyay Mudane Waare  musuq maasuq balaaran iyagoo ka codsaday in Baarlamaanka Hirshabeelle uu la xisaabtan dhab ku furo Madaxweynaha Hirshabeelle.

C/qaadir Barnaamij

Dhanka kale C/qaadir Barnaamij ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid ahaa tiirarkii ololaha Madaxweyne Waare, balse mudooyinkii danbe aad u dhaliilsanaa siyaasadda Madaxweyne Waare,  warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya  in Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo ay saxiixeen  in ka badan 40 xildhibaan uu diyaar yahay, waxaana Muqdisho ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabelle.

Warsaxaafadeedka  Golaha Badbaadada Hirshabeelle ayaa u qornaa sidan:

(Jowhar, 08/09/2018) :- Golaha Badbaadada Hirshabeelle oo shir deg deg isugu yimid, kana hadlay War-murtiyeedka Kismaayo ay ka soo saareen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada –GIDG- ,ayaa falanqeyn kadib waxaa la isla gartay:-

1. Guud ahaan War-murtiyeedka Kismaayo kama tarjumayo danta Qaranka Shacabka,Soomaaliyeed waxayna Hogaamiyaasha isugu yimid shirka ay muujiyeen karti xumo hoggaamineed, War-murtiyeedkana waxaa ka muuqato boor isku qaris ku qotomo dano shaqsi oo la xiiriiro doorashooyinka deegaanadooda iyo fashil ay ku sifoobeen hogaamiyaasha qaarkood sida kan Hirshabeelle.

2. Golaha Badbaadada Hirshabeelle waxaa uu si cad uga soo horjeedaa go’aanka lagu “hakiyey wadashaqeynta u dhexeeysa Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada” arinkaas oo aan ka tarjumeyn maslaxada Qaranka Soomaaliyeed iyo tan Hirshabeelle.

3. Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu eeda amni daro ee ka jirta deegaanada Hirshabeelle masuuliyadeeda saarayaa Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyadoo ay jirto:-

A- Madaxweyne Waare intaan la dooran in ay ka amaan fiicneyd Hirshabeelle, mashaqada amni xumo ee taagana ay ku timid; karti xumidiisa, khibradiisa amni oo liidata iyo tabar daro hogaamineed oo haysata taasoo sababtay in wadadii Jowhar iyo Xamar isku xireysay ay go’day waxaana lagu dilay Xildhibaano,Saraakiil Ciidan, Shacab, iyo Saaxiibo Soomaaliyeed oo qaali ah.

B- Waxaa shacabka, Xildhibaanada, Odayaasha Dhaqanka Hirshabeelle ay ka warqabaan in Hal Milyan oo dollar oo ay dowladda dhexe ugu deeqday Hirshabeelle si loogu xaqiijiyo Amniga la musuq maasuqay.

C- Waxaa nasiib daro ah in Madaxweynaha Hirshabeelle uu hilmaamay in dowladda dhexe siiso Hirshabeelle, Sahay, Shidaal iyo Hub.

D- Xildhibaanada Hirshabeelle, Aqoonyahanka Hirshabeelle iyo Shacabka waxaa lama filaan ku noqotay markii Idaacada VOA uu Madaxweyne Waare ka dhaleeceeyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dagaal kula galay Shabaab deegaanka Balcad taasoo dhabar jebin ku ahayd Ciidanka Qaranka.

E- Mudaddii Koobneeyd ee uu Madaxweyne Waare Xilka hayay waxaa caado u ahayd in uusan inta badan joogin Hirshabeelle oo uu ku sugnaa Muqdisho ama Safaro aan miro dhal ahayn ku maqnaa sida kan kismaayo.

F- Waxaa nasiib daro ah in uu Madaxweyne Waare qeyb ka noqdo dhaleeceynta iyo xagal daacinta Ciidamada Qalabka ee Soomaaliyeed sida ku cad faqrada 2.4 iyo garsoorka Qaranka sida ku cad faqrada 3.4.

G- Waxaa ceeb ah in Mas’uuliyad uu leeyahay Madaxweynaha Hirshabeelle in lagu eedeeyo Madaxda Dowladda Federaalka.

4- Sida Dustuurka Qaranka qabo arimaha dibadda waxaa leh Dowladda Dhexe, Madaxweyne Waare waxaa uu fagaare ka sheegay in looga danbeeynayo dowladda dhexe laakiin waxad moodaa in uu hilmaamay sida ku cad war-muritiyeedka kismaayo faqrada 3.7.

Baaq:-

1- Xildhibaanada Hirshabeelle in ay la xisaabtamaan Madaxweyne Hirshabeelle, ayna dowr ka qaataan sidii isbadal hogaamineed ugu dhici lahaa Hirshabeelle.

2- In la dardar geliyo la dagaalanka Musuq maasuqa ee Dowaladda dhexe xisaab celina laga sameeyo hantidii loogu deeqay Hirshabeelle oo la cadeeyo halkay martay.

3- Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeelle, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo ku xigeenadiisa, Xildhibaanada Federaalka ee Hirshabeelle laga soo doortay Wasiirada Federaalka ee Hirshabeelle ka soo jeeda in ay u guntadaan sidii loo badbaadin lahaa Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -