Bulsho ba’day iyo PRANKA waaliga ah ee xiligan Maxaa kala heysta !! ?

Qofka Bini-aadamka ah, waxaa xakameeya labo sheey. Waa tan koobaade, waxaa naftiisa kontorolla oo ilaaliya IIMAAN, micnaha inuu leeyahay (Damiir Diineed), kaasoo u xaraareey inuu xumaanta iska dhex dabaasho, sidoo kale, xitaa haddii uu xumaan sameeyo, inuu ku raaxeysto xumaanta waxaa u diida damiirka iimaanka ee qalbigiisa ku jira.

Tan labaad, qofka waxaa xakameeya inuu jiro SHARCI dadka kala haga, ayna tahay dadka inay u hoggaasamaan, jabintiisuna ay ka dhalaneyso xisaab, xarig, xaal iyo xinjir daadin.

Haddii labadaas la waayo, shaki kuma jiro in bulshada ay kusoo bataan Dad aan waxba dhowrsan, xishood darran, xumaanta sameynteeda u arka xarrago iyo xashaash.

Haddii labadaas la waayo, shaki kuma jiro in bulshada ku bataan Dad ka fakaraya kaliya waxey jadiinka mariyaan iyo waxey Juuni ku shubtaan. Si ay lacag u helaan ayey u maraan hab kasta oo aan habbooneyn.

Kuwo Afsoomali caadi ah inta Muusig loo saaray ku heesay oo la yiri waa Fanaan ayaan qaati ka taagneene, Muggan waxay joogtaa reero is qabo, si ay lacag uga sameeyaan Youtube usoo duubayo muuqaaalo kugu reebay ashqaraar iyo afkala taag.

PRANK, ayaa beryahan Barihii-bulshada qabsaday. Waxeyse ugu darneyd markii ay Lamaaneyaal is qaba isku sameeyeen wax laga wiswiso afkana laga maroojiyo.

PRANK, sidiisaba, waa muuqaal qofka si qarsoodi ah loogu duubo; taasoo u jeedkiisu yahay in qofka lagu ogaado dareenkiisa, laga xanaajiyo, laga murugeysiiyo ama lagu maadeysto. Waa wax Diinta iyo Dhaqankaba kasoo horjeeda. Oo yaa is weydiiya!

Waxaa ka dhasho falal aan faa’ido laheyn. Wuxuu sababi karaa qofka inuu danbaabo, xumaan sameeyo, xadgudbo, mararka qaarna maryaha xoorto.

Wuxuu sababi karaa in qof caafimaad ahaan dhibaato soo gaarto. Waxaa dhici kartaa, in qofka dhiigga ku karo, wadnaha istaago, warwaro, miyirka doorsoomo IWM.

Haddii aadan ogeyn, balaayo kale oo intaa kasii daran waxey aheyd, dhowaan markii Wiil Soomaali hooyadiis PRANK ku sameeyay isagoo, isaga soo dhigay inuu Sanka durtay, taasoo keentay markii ay hooyadii aragtay inay qaracanto kadibna ay Suuxday. Bal malee musiibada meeshaas ka dhalatay!

Lama soo koobi karo dhibaatooyinka uu leeyahay sameynta PRANK-kiga, mana jiro qof jacel in lagu sameeyo. Waxaase inta badan sababa Iimaan la’aan (Damiir Diin la’aan), iyo qof inuusan ka baqeyn sharci qabanaya wixii ka dhasha.

Waxaase kaloo ka nasiib darran, Aqoonyahannadii iyo Culimadii bulshada indhahooda ahaa inaysan arrinkan wax dhawaaq iyo dhigaal midna ka sameyn, xilli ay tahay waajib saaran. Su’ aal xumidu haba la igu cadaabee, talow Culimada Soomaalida maxay Cilmiga u barteen?!!

Waxaa sidoo kale iyana kaalintoodi iyo waajibkooda gabay hay’adihii dowladda ee shaqada ku lahaa wacyi gelinta bulshada iyo ka hortagga xumaanta. Horta ma jiraan!

Si kastaba, qof kastoo garasho iyo garaad leh waxaa la gudboon in gurigiisa ka ilaaliyo, kuwa sameynayana ka waaniyo.

W/Q Abdinasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -