Madaxtooyada Soomaaliya oo la sheegay in ay wado Dagaal Sadex Geesle ah !!

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay wado dagaal sadex afle ah oo lagula dagaalamayo sumcadana looga dilayo Madaxdii hore ee dalka , Madaxda maamul goboleedada iyo sidoo kale Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Madaxda Villa Soomaaliya tan iyo markii ay xilka la wareegeen in ay wadaan dagaal sadex dhinac ah oo lagu hayo Madaxdii hore, Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo dowladaha dariska.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Madaxtooyada Soomaaliya ay iska hilmaantay dagaalkii kooxaha kasoo horjeeda ee Al Shabaab iyo Daacish, taa badalkeena ku mashquushay dagaalka ka dhanka ah Mucaaradka iyo Madxadii hore.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Shaqada ugu weyn ee xafiiska Madaxweyne Farmaajo uu ka shaqeeyo dacaayadaynta iyo aflagaadaynta madaxdii asaga ka horaysay iyo siyaasiyiin qaabka uu wax u maamulayo kaga aragti duwan.

Hadalka Xildhibaan Fiqi ayaa u muuqda mid uu uga jawaabayo Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay oo lagu sheegay in Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh ay dalka u horseeday Musuq maasuq baahsan ayna gashay heshiisyo sharci daro u badan.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan Xildhibaan Fiqi uga hadlay

 

Madaxda Villa Somalai tan iyo intii meesha ay yimaadeen waxey wadaan saddex dagaal;

1. Dagaal ka dhan ah dawlad goboleedyada

2. Mid ka dhan ah madaxdii dalka Soo xukuntay iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo mid

3. Dawlado saaxiib la ahaa Somalia iyo hey’adaha caalamka qaarkood ay ku qaadeen.

Alshabaab iyo Daacish oo umadda Soomaaliyeed laynaysa wax dagaal ahi illaa iyo hadda laguma qaadin, mana muuqato In olole noocaas ah uu socdo!!

Shaqada ugu weyn xafiiska Madaxweyne Farmaajo waa dacyaadaynta iyo aflagaadaynta madaxdii asaga ka horaysay ama siyaasiyiin qaabka uu wax u maamulayo kaga aragti duwan, illaa iyo goormee ayay soconaysaa In lacagtii qaranka loo adeegsado aflagaadayn iyo xadgudubyo madax hore.

Video-gii shalay baraha bulshada la Soo geliyey ee jacburka ahaa, waxey u muuqataa In lagu daboolayo shirka shidaalka Soomaaliya lagu xaraashayo ee London ka dhacaya maalinta khamiista 07 Febraayo. Caqli noocee ah ayaa lagu sheegi karaa inuu ku jiro qolo waxey madaxdii hore ku dacaayadaynayaan wax ka xun ayagu gacanta kula jira.?!

Soomaalida UK iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon In si weyn looga hortago shirka aan sharciga ahayn ee khayraadka Soomaaliyeed sida raqiis ah loogu xaraashayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -