Axmed Madoobe oo sharciyeystay guri uu ka dhistay Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Xarunta Hay’ada dhulka Jubbaland isagoo halkaas u tagay si uu u sharciyaysto guri uu gaar u leeyahay oo ku yaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale halkaas kula kulmay qaar kamid ah dadweynaha goobtan u yimid in ay qaatan sharciga dhulka isagoo ka waraystay sida ay shaqada loo hayo u socoto iyo waxyaabaha ay qaar kood ka cabanayaan kuwaas oo joogay Xafiiska Xalinta Khilaafadka ee Hay’ada.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta uu sharci u sameeyay gurigan uu gaarka u leeyahay oo uu dhistay sanadkii 2005 xiligaas oo nidaam sharciga dhul bixinta sameeya uuna ka jirin Jubbaland waxaa uu intaas ku daray in uu ahaa qof shacab ah oo aan siyaasad ku jirin xiligaas.

Madaxweynaha ayaa maray dhamaan Shuruudahii looga baahna qofka sharciyaysanaya guri dhisan isagoo bixiyay lacagtii xaqa loogu lahaa iyo dhamaan shuruudahii kale ee loo baahna.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in bixinta Canshuurta guryaha ayna cadaynaynin mulkiyada guriga oo ay ka muhiimsan tahay in la sharciyeeyo guryaha la dhisay kahor Dowlada Jubbaland sidoo kalana la cusboonaysiiyo sharciyadii la qaatay xiligii gumaystaha iyo kuwii Dowladii dhexe oo laga yaabo in ay duugoobeen wuxuu intaa raaciyay in dhamaan dhulalka ka baxsan wadada kala qaybinaysa Magaalada Kismaayo iyo Kismaayada cusub ay yihiin dhul Dowladeed oo qofkii dagaya loo sharciyaynayo.

Madaxweynaha waxaa uu dadka cabashooyinka iyo muranada dhulka qaba uu ugu baaqay in ay si wanaagsan sharciga u maraan oo aanay wax walba ka dhigin in deg deg lagu dhameeyo maadama muranada qaar ay adag yihiin sidoo kale Maxkamadaha iyo Xafiisyada xalinta khilaafyada dhulka ayuu amray in ay si wanaagsan Bulshada ugu adeegaan oo cabashooyinka dadweynaha ay xaliyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -