Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Todoba gaadiid xamuul ah oo lagu gubay duleedka degmada Afgooye

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa la soo sheegayaa iney gaadiid badan ku gubeen degaan lagu magacaabo doonka  oo hoostaga degmada Afgooye ee gobalka Sh/hoose.

Gaadiidka la gubay ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay 7 gaari oo ah kuwa qaada xamuulka.

Dadka degaanka ayaa waxay sheegeen in gaadiidkan ay ka yimaadeen degmada Wanle-weyn, kuna sii jeedeen degmada Afgooye.

Gaadiidkan oo Al-Shabaab ay  gubeen galinkii danbe ee shalay ayaa siday dhuxul, ganacsato ku sugan degmada Afgooye ayeyna u rarnaayeen.

Ilaa iyo hadda lama ogo sababta keentay inay Al-Shabaab  gubaan gawaaridan xamuulka ah Sidoo kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Sh/hoose iyo Al-shabaab toona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hay’addo Wacyi galin ku saabsan Covid-19 ka hirgaliyay Marka iyo Balcad (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Hormuud Salaam Foundation oo Abaal-marisay macalimiin ku guuleysatay tartan Quraan aqris (Sawirro)

Cabdi Cade

Qoraalada been abuurka iyo Khiyaanada oo kusoo badana Baraha Bulshada!!.

admin
Taboola Ads ---