Dad badan oo ku dhintay qabow xad dhaaf ah oo ku dhuftay Woqooyiga Maraykanka (Sawirro)

Waqooyiga dalka Maraykanka ayaa maalmahan waxaa ku jira qabow xad dhaaf ah oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka dhulkaasi ku nool.

Gobalada sida weyn qabowgan iyo barafka looga dareemay ayaa waxaa ka mid ah Minnesota oo ay ku nool yihiin Soomaali badan, degaanada qaarkood  – 41 ayuu gaaray heerka qabowga.

Ugu yaraan dad gaaraya 10 qof ayaa la sheegay inay u dhinteen cimiladan isbedashay, waxaana la joojiyey in badan oo ka mid ah duulimaadyada kabaxa ama taga gobalada qaarkood.

Tirada duulimaadyada la joojiyey dalkaasi Maraykanka ayaa la sheegay inay ka badan yihiin 6000, waxaana xiran iskuulada iyo goobaha ganacsiga.

Magaalada Chicago oo ka mid ah goobaha uu saameynta weyn ku yeeshay qabowgan ayaa waxaa gebi ahaan la joojiyey isu socodka gaadiidka dadweynaha.

 

- Advertisement -