Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Jaamac Cige oo shaaciyay in uu is casilay kana hadlay Sababta ku kaliftay 

Xubin muhiim ah oo katirsanaa guddiga komishinka xuquuqul insaanka maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in uu is casilay, kaddib qoraal uu soo saaray uu kaga hadlay is casilaadiisa iyo sababta rasmiga ah ee ku dhalisay.

Muuse Jaamac Cige, oo kamid ahaa todobada xubnood ee guddiga xuquuqul insaanka maamulka Somaliland ayaa shaacisay in uu iska casilay xubannimadiisa, waxa uuna caddeeyay in uu isku casilay sababo isaga iyo deegaanka uu kasoo jeedo u gaar ah.

Is casilaada Muuse Jaamac Cige , ayaa kusoo aadeysa xilli la filayo bisha soo socoto in deegaannada maamulka Somaliland doorashooyin ka dhacaan, waxaana xisbiga Madaxweyne Muuse Biixi iyo maamulkiisaba ka baxaya xubno badan oon ku qancin hab maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mukhtaar roobow oo Xaladiisa cafimaad laga deyrinayo iyo wararka sheegaya Wasiir xilka laga qaaday oo… !!

admin

(Akhriso) Madaxweynaha Jubbaland oo xilkii ka qaaday Cabdi Cali Raage

Caydiid Ali

Dal Muslim ah oo Marti gelinaya Maal-qabeenada Ruushka ee Reer Galbeedku beegsanayaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---