Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi Caan ah oo si qasab ah looga tarxiilay dalka Kenya

Siyaasiga caanka ah ee Miguna Miguna oo xubin ka ahaa Xisbiga Mucaaradka Kenya ayaa laga tarxiilay dalka Kenya, kadib markii Siyaasigan lagu eedeeyay in uu ku kacay Qiyaano Qaran.

Miguna Miguna ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsi kuyaala magaalada Nairobi, kadib markii uu dhawaan fagaaraha Uhuru Park ku dhaariyay Raila Odinga oo sheegtay in uu Madaxweyne ka yahay Kenya.

Amar Maxkamdeed oo soo baxay ayaa Dowlada lagu amray in Siyaasigan Mucaaradka ah ee u xirnaa la horgeeyo Maxkamad, waxaana shalay laga waayay Maxkamdii la filayay in lasoo taago Miguna .

Warbaahinta Kenya ayaa ku warantay in booliiska Miguna geeyeen maxkamad ku taala magaalada Kajiado oo 80 km u jirta Nairobi, balse garsoorihii maxkamadda uu diiday in uu dhagaysto dacwadda, isagoona sheegay in ay tahay in la geeyo maxkamadda Nairobi.

Dowlada Kenya ayaa la sheegay in shalay si qasab ah diyaarad uga saartay magaalada Nairobi Siyaasiga Miguna, waxaana Siyaasigan loo tarxiilay dalka Canada uu dhalasho ka heesto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Xariga ka jaray Wado laami ah oo Muqdisho laga dhisay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Puntland miyeysan Boolis laheyn? Maxaa Ilaalada Madaxtooyada loogu diraa howlgalada?

Caydiid Ali

Somalia oo mar kale loogu deeqay talaalka Astra-Zenece ee ka hortaga COVID-19 (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---