Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Galmudug oo shaacisay in uu fashilmay shirkii ka socday Garawe (Akhriso War Saxaafadeed)

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay fashilka ku yimid shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Federaalka uga socanayay 5-10 bishan Magaalada Garoowe


Maamulka Galmudug ayaa Dowlada Federaalka ku eedeeyay in ay ixtiraami waayeen qodobadii loo baahnaa in looga hadlo shirka ayna ku xadgudbeen sharciga doorashooyinka oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo sharciga Batroolka oo la horgeeyay Baarlamaanka ayada oona lagala tashan Dowlad Goboleedyada


Maamulka Galmudug ayaa intaas ku daray in Dowladu hor istaagtay in laga hadlo maqaamka Gobolka Banaadir iyo in ay wali faragalin joogta ah Dowladu ku heyso Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubaland

Hadaba War saxaafadeedkii kasoo baxay Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa u Qornaa sida hoos ku Xusan :-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha cusub ee Booliiska oo ka dhawaajiyay hadal farxad galinaya Shacabka Muqdisho

Cabdi Cade

Wadooyinka magaalada Muqdisho oo saakay xiran kadib cabsi soo korortay

Cabdi Cade

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug oo kormeeray Isbitaalka BandiIradley (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---