Allbanaadir.com
NEWS

Fadeexad kusoo baxday Cali Bunoow Qorane iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Gudoomiyaha magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxaa kusoo baxday fadeexad la xariirta in uu ka been sheegay Jaamacada uu ka qaatay Shahaadada labaad ee waxbarashadiisa.

Cali Bunoow Qorane Gudoomiyaha Gaarisa ayaa sheegay in Shahaadada labaad ee Jaamacada Master Digree uu ka qaatay Jaamacada Nairobi, hasa ahaatee maamulka Jaamacada ayaa sheegay in Mr Bunoow uusan Jaamacadooda wax ka baran.

Maamulka Jaamacada Nairobi ayaa sheegay in ay baareen liiska ardayda ka qalin jabisay Jaamacada gaar ahaan Taariikhda uu sheegay Cali Bunoow in uu shahaada ka qaatay Jaamacada kana waayeen magaciisa.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa aad u hadal heysa fadeexadan ka dhalatay Waxbarashada Gudoomiyaha Gaarisa, waxaana Warbaahinta sheegayaan in sooyaalka waxbarashadiisa aysan sugneyn .

Cali Bunoow ayaa sheegay in Shahaadada waxbarasho heerka koobaad Jaamacada ka qaatay Jaamacada Kampala ee dalka Uganda, halka Shahaadada Masterkana uu ka qaatay Jaamacada Nairobi.

Fadeexadan kusoo baxday Gudoomiyaha magaalada Gaarisa ayaa laga yaabaa in ay kalifto in la laalo natiijada doorashadii uu ku guuleestay kuna noqday Gudoomiyaha magaalada Gaarisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya dil loo geestay Maxamed Cali Jimcaale

Cabdi Cade

Dad ka badan Lixdan kun oo qof oo shaqo ku helay la dagaalanka Cudurka Caronavirus

Cabdi Cade

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashada Puntland oo is casilay (Akhriso Sababta)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---