Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Turkiga oo xabsiga dhigtay askar ka badan 80 iyo sababta ka dambeysa

Sida ay werisay Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu Dowlada Turkiga ayaa gacanta ku soo dhigtay 82 askari oo hor leh, kuwaasoo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin wadaadka la yiraahdo Fatxullah Gullen.

Askartan ayaa waxaa lagu tuhmayaa inay si weyn ugu lug lahaayeen Afgembigii fashilamay ee dalkaasi ka dhacay bishii July ee sanadkii 2016-kii, waxaana dowladda Turkiga ay wali baadi goobeysaa qof walba oo dhacdadaasi ku lug ahaa.

Dacwad oogaha gobolka ku yaalla xeebta galbeed ee Izmir ayaa wakaallada wararka Tarkiga u sheegay in ay qaadi donaan tilaaba kale oo ay ku soo xirayaan in ka badan 848 askari oo ay ku jiraan saraakiil militeri, kuwaasoo wali ay laamaha ammaanku ay ku raad joogaan.

Howgalkaani lagu soo qabtay askarta ayaa waxaa uu ka dhacay 39 gobol oo ka tirsan dalka Turkiga, waxaa kaloo howgalkaas lagu soo xirxiray 63-qof oo kale oo shacab ah, sida ay tabisay Aanadol.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoggaamiyihii ugu weynaa burcada Daroogada ka ganacsata oo lagu qabtay Istanbul

Cabdi Cade

Dagaal dhiig badan ku daatay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Nin hubeesan oo Toogasho dad badan lagu dilay ka fuliyay magaalada Buffalo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---