Allbanaadir.com
NEWS

Gabar Soomaaliyeed oo lagu gubay magaalo kutaala dalka Finland

Wararka aan ka heleyno dalka Finland ayaa sheegaya in dhawaan magaalo kutaala Waqooyiga dalkaasi lagu gubay gabar Soomaaliyeed, waxaana gabadha la gubay hada lagu daweenayaa xarun caafimaad.

Gabadha la gubay oo magaceeda lagu sheegay Xaawo Maxamuud  waxaa wajiga biyo kulul oo Sokor lagu daray uga shubtay gabar kale oo Soomaaliyeed, lamana oga waxa kalifay arinkan.

Hasan Hussein Barseey oo kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Finland ayaa sheegay in ay dhacdadan tahay mid ku cusub Soomaalida kunool dalkaasi aadna uga argagaxeen.

Waxa uu sheegay Hasan in ciidamada booliiska xireen gabadha dhibka geesatay uu sheegay in aysan wali wax sharci ah la siin, waxa uuna intaa raaciyay in gabadha dhibanaha ah hada xaaladeeda lala tacaalayo.

Qaar kamid ah Wadamada Yurub waxaa kunool dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo Yurub nolol u raadsaday , waxaana mararka qaarkood Wadamada Yurub ka dhaca dhibataooyin Soomaalida dhaxdeeda isku geestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gantaalo iyo diyaarado dagaal oo loo dirayo Suuriya si ay Bashaar u taageeraan

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaarayaal hore iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Garawe lana kulmay Deni (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo saaka ku sii jeeda gobolka Shabeelaha hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---