Mareykanka oo walaac ka muujiyey xaalada Somalia, kuna deeqay lacag dhan..

Mareykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan xaaladda macluusha ee la saadaaliyey inay Soomaaliya geli karto bilaha October illaa December ee sanadkan.

La-taliyaha amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in Khabiirka arrimaha bini’aadanimada ee guddiga dib u eegista macluusha uu saadaaliyay in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u badan tahay inay ka dhici doonaan macluul inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar

“Maraykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay saadaashan aan wanaagsaneyn iyo baaxadda baahida guud ee dalka iyo gobolkaba, Macluusha iman karta waa natiijada arrimo isbiirsaday. Isbeddelka cimilada ayaa weli kasii socda gobolka oo ay ka jirto abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika ka dhacda muddo 70 sano ah.” ayuu yiri la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan.

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya uu ugu deeqay in ka badan $706 milyan oo dollar sanadkan oo kaliya, laakiin wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in aysan weli arag deeq-bixiyeyaal kale oo soo kordhiyey kaalmooyin la taaban karo, iyo gargaar,.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo dalalka derisa aysan weli kasoo kabsan saameyntii COVID-19.

“Waxaa intaa dheer, duullaankii Ruushka ee Ukraine wuxuu kordhiyey qiimaha cuntada, bacriminta, iyo shidaalka, taasoo uga sii dartay baahida bini’aadanimo iyo ka dhigista gargaarka mid qaaliga ah, isla markaana xaddiday gaaritaankiisa” ayuu yiri Jake Sullivan.

- Advertisement -