Allbanaadir.com
NEWS

Weerar culus oo goor dhow ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo Taliye ku dhaawacmay

Qaraxyo iyo rasaas xooggan ayaa caawa lagu weeraray saldhig ciidamada amaanka Puntland ku leeyihiin magaalada Boosaaso ee gobolka Bari sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Weerarka ayaa bilowday ka dib markii rag hubeysan ay bambooyinka gacanta laga tuuro la beegsadeen saldhiga bartamaha Boosaaso, waxaana xigay rasaas xoogan oo ay isweydaarsadeen ciidamada saldhigaas ku sugnaa iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan ayaa haddana wararka hordhaca ah ee soo baxaya waxay sheegayaan inuu ku dhaawacmay taliye ku-xigeenkii saldhiga bartamaha Boosaaso oo magaciisa lagu soo gaabiyey Sanweyne.

Kala carar iyo khal khal xooggan ayaa laga dareemay magaalada Boosaaso markii uu weerarkan bilowday ka dib, waxaana joogsaday gaadiidka qeybo ka mid ah magaalada, halka la xiray goobo ganacsi.

Waxaa hadda yara degan xaalada magaalada Boosaaso, iyadoo ciidamo aad u fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka lagu arkayo qeybo ka mid ah magaalada kuwaasoo xaqiijinaya amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bangiga Somaliland iyo Milkiilaha World Remit oo isku dhegan iyo Xogta waxa ay isku hayaan

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay Xamse Warfaa oo Kismaayo gaaray

Cabdi Cade

Safiirkii Imaaraadka u joogay Soomaaliya oo la bedelay iyo mid cusub oo la magaacabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---