Allbanaadir.com
NEWS

Safiirkii Imaaraadka u joogay Soomaaliya oo la bedelay iyo mid cusub oo la magaacabay

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bedeshay safiirkoodii u joogay Soomaaliya Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, waxaana safiirka lagu bedelay mid cusub oo dhawwaan shaqada kala wareegaya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Ahmad Juma Al Rumaithi, uu noqonayo safiirkooda cusub ee u fadhin doona Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa isbadal ku sameesay qaar kamid ah safiiradda dalalka caalamka u jooga, waxaana safiirkii Soomaaliya u joogay Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi sannado kaddib ka tagayaa shaqadii uu Soomaaliya ka hayay.

Safiirka cusub ee dowladda Imaaraadka u soo magacawday Soomaaliya,  Ahmad Juma ayaa la filayaa in uu soo gaaro magaalada Muqdisho una gudbiyo madaxweynaha dalka warqada aqoonsiga safiirnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Kenya oo qorsheynaya inay burburiyaan xarumo kale oo ay leedahay Shirkadda Hormuud

Caydiid Ali

Kheyre oo la kulmay Gudoonka Guddiga Doorashooyinka & Xubno kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Musharax oo si weyn uga hor yimid Guddiga Doorashada uu R/W Rooble shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---