Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay Xamse Warfaa oo Kismaayo gaaray

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo soo gaaray Jubaland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kartida iyo firfircoonida dadka Soomaaliyeed ay meel sare ka gaarsiisay bulshooyinka ay la nool yihiin ee guud ahaan dunida taasna uu tusaale muuqda u yahay Xamse Warfaa.

Waxa uu Madaxweynahu uu uga mahad celiyay Mudane Xamse Warfaa booqashada uu ku yimid Jubaland si uu u arko isbadalada muuqda ee dhinacyada badan.

Xamse Warfaa ayaa Dowlada iyo shacabka Jubaland uga mahad celiyay sida weyn ee ay usoo dhaweeyeen isagoo xusay in ahmiyad weyn ay u leedahay booqashada uu maanta ku yimid Jubaland.

Related posts

Mareykanka oo bilaabay Dhoolotus dagaal uu Shiinaha ku cabsi galinayo

Cabdi Cade

Ciidanka DFS oo qabtay Gaari iyo hub ay lahaayeen Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Madixii qaraxyada Al-Shabaab ee gobolka Mudug oo gacanta lagu dhigay saaka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---