Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo ku gacan seyray baaq beesha caalamku ka soo saartay colaada Tukaraq

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku gacan seyray baaq ay u soo jeediyeen beesha caalamka oo ku aadanaa in ciidamada Somaliland dib ugu laabtaan degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay dhowaan qabsadeen.

Ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland ayaa degaanka Tukaraq isku hor fadhiya, waxaana daqiiqad walba suuragal ah inuu ka dhex qarxo dagaal, iyadoo labada maamul ay wada sheeganayaan degaankaas.

Biixi ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ee ku sugan Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool aysan aheyn ciidamo duulaan ah ku qabsaday halkaas balse ay yihiin ciidamo ku sugan qeyb ka mid ah dhulka Somaliland.

Wuxuu beesha Caalamka ka iyo Qaramada Midoobey ka dalbaday in cadaadis lagu saaro madaxda Puntland sidii ciidamadooda ay ugu soo bixin lahaayeen nawaaxiga degaanka Tukaraq.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale diiday inuu kala hadlo Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Gaas colaada ka taagan degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo xaalad adag kusoo arkay Kaamam kuyaalla Baydhabo (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulka Galmudug oo xil cusub loo Magacaabay

Caydiid Ali

Madaxtooyada Somaliland oo Ilaaladii kala noqotay Muuse Biixi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---