Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulka Galmudug oo xil cusub loo Magacaabay

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey ayaa loo magacaabay Agaasime Guud oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka ee xukuumadda Soomaaliya Maxamuud C/qaadi Hilaal ayaa bartiisa facebook ku shaaciyey in Maxamed Xaashi Carrabey loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya.

Xilkan waxaa horey isaga casilay Shukri Karaar Dhoomey oo ay isku dhaceen Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka dambeeyay in xilkan loo magacaabo Madaxweynihii hore ee Galmudug oo mar kale ku fashilmay inuu xilkaasi ku soo noqdo.

Carabey ayaa saaxiib la ahaa Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo kala shaqeeyay dagaalkii siyaasadeed ee ay kula jirtay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo dhowaan soo gebageboobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Nin hubeysan oo dad ku afduubtay Super market ku yaalla Faransiiska (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Caruurta Eng Maxamed Cumar Saalixi (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray doorashadii maanta ka dhacday Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---