Allbanaadir.com
NEWS

Xoogag hubeysan oo caawa weeraray degaanka Qalimow iyo dagaal culus oo ka dhacay

Dagaal culus ayaa caawa ka dhacay degaanka Qalimow ee 25km koonfur kaga toosan magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Xoogag taabacsan Al-Shabaab oo halkaas weeraray ayaa la sheegayaa iney fooda is dareen ciidamada dowlada ee degaankaas ku sugnaa.

Qaraxyo iyo rasaas kala nooc ah ayaa laga maqlay bartamaha degaanka Qalimow kuwaasoo labada dhiac ay isweydaarsanayaan, iyadoo dadku degaanku sheegeen ineysan ka soo bixi Karin guryaha ayna beerka dhulka ku hayaan.

Cabsi iyo khal-khal xoogan ayaa ka jira caawa degaanka Qalimow iyo degaanada ku dhow, iyadoo wararka qaar sheegayaan in ciidamada dowlada ay weli gacanta ku hayaan degaanka.,

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana weli qeybo ka mid ah degmadaas laga maqlayaa rasaas goos goos ah.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xili todobaadkii hore Wasiirka gaashaandhiga Somalia uu sheegay in ciidamada dowlada ay gobolka Sh/dhexe ka sifeeyeen Xoogaga Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somaliland oo Go’aano adag kasoo saartay Dagaalka Laascaanood ka qarxay

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya dagaalo culus oo caawa ka dhacay degmada..

Caydiid Ali

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika oo ka hadlay Dagaalka ka socda Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---