Madaxweyne Xasan oo xaalad adag kusoo arkay Kaamam kuyaalla Baydhabo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed ayaa maanta booqday kaamam barakac oo kuyaalla magaaladaasi.

Xasan Sheekh uu Wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa waxa ay tageen kaamam ay Baydhabo kaga sugan yihiin qaar kamid ah dadkii kasoo barakacay abaaro ku dhuftay deegaano kuyaalla gobolada Baay iyo Bakool.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa indhihiisa kusoo arkay xaalada adag ee dadkaasi abaarta kasoo barakacay ku heesato xeryaha kuyaalla Baydhabo, waxa uuna wareestay qaar kamid ah dadka soo barakacay iyo xaalada adag ay xilligan ku sugan yihiin.

Xasan Sheekh oo dareenkiisu isku bedelay markii uu la kulmay barakacayaasha dhibaateesay ayaa ballanqaaday in dowladiisa wax ka qabanayso dhibaatada ka dhalatay abaarta dalka qeybo kamid ah ka jirta iyo wax u qabashada dadka ay saameesay.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u ballanqaaday in ay u istaagi doonto wax ka qabashada xaalada abaareed ee dalka ka jirta iyo sidii caawinaad degdeg ah loola gaari lahaa dadka ay abaartu saameesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -