Nin Ajnabi ah oo lagu dilay Boosaaso iyo Taliska booliiska Gobolka Bari oo ka hadlay

Askari katirsan Ciidamada maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa uu ku dilay nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Itoobiya , kadib markii uu ka shakiyay.

Sida aan Wararka ku helnay askari katirsan Ciidamada Puntland oo Hay’ad ilaalo u ahaa ayaa rasaas ku furay nin Oromo ahaa oo kunoolaa magaalada Boosaaso, kadib markii uu kusoo dhawaaday.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gashaanle sare Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in ciidamada dambi baarista baaritaan ku wadaan dilka ninkan Itoobiyaanka ah oo lagu dilay Boosaaso.

Waxa uu sheegay taliyaha in askariga dilka geestay uu ka shakiyay ninka Itoobiyaanka ah kadib markii uu ka istaagi waayay sidaasna uu ku toogtay, waxa uuna meesha ka saaray in Oromada lagu beegsado Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa kunool Oromodo badan oo kasoo cararay dalkooda, dadka Oromada ah ayaa qaarkood si caadi ah halkaasi ugu nool halka kuwa kalana u tagaan in ay kasii tahriibaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -