Dowlada oo si rasmi ah maanta ula wareegtay Kuliyaddii Jaalle Siyaad (Daawo Sawirada)

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah Kuliyadii hore ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdishosho ugala wareegtay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo mudo 10-sano ka badan degnaa.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Kuliyada Jaalle Siyaad waxa aka qeyb galay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Wasiiro, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiil ciidan, Madaxa howlgalka AMISOM , Saraakiil Reer Galbeed ah iyo xubno kale.

Dowlada Soomaaliya ayaa dooneysa in mar kale Kuliyada Jaalle siyaad lagu soo celiyo sidii ay horey u ahaan jirtay, waxaana la filayaa marka dowlada la wareegto in lagu sameeyo dib u dhis balaaran.

Kuuliyadda Jaalle Siyaad oo la dhisay 1975tii ayaa lagu tababari jiray saraakiisha ciidammada kala duwan ee Soomaaliya marka laga reebo kuwa Cirka iyo Kuwa Badda, waxaana kuliyaddan sanadihii lasoo dhaafay saldhig ciidan u aheyd AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa horey u baneeyay garoonka kubada cagta ee Muqdisho halka ay maanta wareejiyeen Kuliyadda Jaalle siyaad oo sanado badan saldhig ciidan u aheyd Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

 

- Advertisement -