Bankiga Horumarinta Afrika oo taageero u balan-qaaday dowlada Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea kula kulmay Akinwumi Adesina oo ah Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika.

Wasiir Beyle ayaa warbixin kooban ka siiyay Akinwumi Adesina horumarka Soomaaliya ee dib-u-habeynta dhaqaalaha ee ay ku talaabsatay dowlada Somalia.

“Markii aan la kulmay Madaxweynaha Bankiga, waxaan warbixin kooban ka siiyay horumarka Soomaaliya ee dib-u-habeynta, waxaana ku boorriyay inuu sii wado doorka muhiimka ah ee ku aadan hannaanka Qaran ee aan ugu jirno innaan ku gaarno deyn cafiska” ayuu yiri Wasiir Beyleh.

Waxaa uu Wasiirka ku boorriyay Akinwumi Adesina inuu sii wado doorka muhiimka ah ee ku aadan hannaanka Qaran ee loogu jiro deyn cafiska Soomaaliya.

“Kulammadii iyo wadahadlladii aan la yeeshay maanta Guddiga Sare ee Bangiga Horumarinta Afrika (Governors) ee ku sugan shirka sannadlaha ah ee Bangiga, waxaan ku celiyay muhiimmadda ay leedahay in Baanku uu kordhiyo taageerada Maaliyadeed si ay wax uga qabato arrimaha soo kabashada iyo is-dhexgalka gobolka. Labadaan qaybood ayaa ah qodobbada muhiimka ah ee ajandaha 5-aad ee Bankiga iyo mudnnaanta kobcinta horumarinta ee ururrada iyo dowladaha oo idil” ayuu yiri Wasiirka.

Mar uu ka hadlay natiijada ka soo baxday kulanka uu la qaatay Akinwumi Adesina oo ah Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika ayuu sheegay in balan-qaad muhiim loo sameeyey.

“Waxaan ku faraxsanahay in madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina, uu aqoonsaday dadaalka dib-u-habeeynta ee Xukuumadda Soomaaliya, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in Bangiga Horumarinta Afrika uu sii wadi doono taageeradiisa joogtada ah, Shirkii Bangiga horumarinta Afrika sidaa ayuu ku soo gunaanadmmay” ayuu yiri Wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -