Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle & Wakiilada dalalka deeqda bixiya? (Daawo Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa magaaladda Muqdisho maanta kulan kula qaatay Wakiilada Wadamada deeq bixiyeyaasha ah ee taageera Soomaaliya

Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyada XFS ayaa sheegay inuu kala hadlay Wakiilada Wadamada deeq bixiyeyaasha ah guulaha & caqabadaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo in laga wada shaqeeyo isbadallo waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxan Muqdisho ku kulanay wakiilada Wadamada Deeq bixiyayaasha ah, Waxan si hufan uga wada hadalnay guulaha & caqabadaha dib u habeynta dhaqaalaheena, Waxaan si adag uga shaqeynaynaa gaarsiinta dalkeena isbadallo wax tar u leh dalka & Dadka, Waan bogadinayaa taageerada ay nala garan taagan yihiin” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dowladda federaalka ayaa dedaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa Somalia deyn gaareysa balaayiin dollar iyo sidii ay u soo daabici laheyd lacag cusub oo shilin Soomaali ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xogta kulan Villa Somalia ku dhexmaray Xassan Shiikh & James Swan (Sawirro)

Caydiid Ali

Xarakada Al-Shabaab oo War ka soo saartay qaraxii ay la beegsatay Xildhibaan Carabow

Caydiid Ali

Farmaajo oo Isbitaal ku booqday Caruur Mataano ah oo loo dhalay weriye Al-Shabaab Dileen (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---