Allbanaadir.com
NEWS

Xogta kulan Villa Somalia ku dhexmaray Xassan Shiikh & James Swan (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Ku-simaha cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna mudane James Swan.

Kulankan ayaa looga hadlay dardargelinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada bini’aadantinimada, nabadda, iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire James Swan la wadaagay dadaallada dowladdu ay ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibaadkiisa cusub.

Related posts

Farmaajo oo ka hadlay colaadaha sokeeye ee ka aloosan dalka Baaq muhiim ahna diray

Cabdi Cade

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka jawaabay dacwad laga gudbiyey Xulka gobolka Banaadir (Akhriso)

Caydiid Ali

Somaliland oo shaacisay in Ciqaab xun Muqdisho lagu marsiinayo Shan nin oo ku eedeysan dilkii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---