Siyaasi Warar Been abuur ah laga faafiyay oo si arxan daro ah loo dilay !!

Siyaasi dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Mexcio ayaa si arxan daro ah loo dilay, kadib markii warar been abuur ah o ka dhan ahaa looga faafiyay baraha bulshada gaar ahaan barta WhatsApp.

Daniel Picazo oo 31 jir ahaa ayaa laga faafiyay warar been abuur ah in uu qafaasho caruurta yar yar, waxaana warkaasi oo si weyn ugu faafay baraha bulshada taa oo keentay in dad badan ka carroodaan .

Siyaasigan waxaa weerar ku qaaday dad ku dhaw 200-qof xilli uu ku sugnaa gobolka bartamaha dhaca ee Puebla, dadka weerarka ku qaaday ayaana garaacay si xuna u jirdilay waxa ayna ugu dambeyn qabadsiiyeen dab.

Dowladda Mexcio ayaana falkan ku tilmaantay mid aad looga argagaxo waxa ayna booliiska dalkaasi sheegeen in ay baaritaan ku sameenayaan kiiskan dilka ah ee loo geestay siyaasiga dhallinyarada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -