Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Qoor-qoor oo safarkiisii ugu horeeyey ugu ambabaxay dibeda (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wafdi uu horkacayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay maanta Dalka Turkiga.

Inta uusan dhoofin garoonka diyaaraddaha Aadan Cade, ayuu shir jaraa’id ku qabtay, kuna faaf-faahiyey arrimo badan; waxaana uu carabka ku adkeeyay in shirka Dhuusamareeb ku qabsoomi doonno waqtigii lagu ballamay.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore, isagoona ku baaqay in shirka 15 Agoostana si mugleh looga soo qeyb-galo una rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is-afgarad.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Madaxweyne Qoor qoor ugu ambabaxo dalka dibediisa tan iyo markii xilka loo doortay dhowr bilood ka hor

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Mustaf Cagjar (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Marxuum Cumar C/qaadir Baarajab

Caydiid Ali

Turkiga oo Howlgal Milatari qaadaya iyo Mareykanka oo Walaac xooggan ka muujiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---