Allbanaadir.com
NEWS

Hooyo ku nool Shiinaha oo ku dhaqaaqday fal soo jiitay dareenka Malaayiin qof

Hooyo ku nool dalka Shiinaha ayaa soo jiidatay dareenka malaayiin qof, kadib markii ay suuqa timid, kadibna suratay boor ay ku qorantahay in ay iibinayso caanadaha naaskeeda.

Haweenaydan oo uu ninkeeda la socday, ilmo yarna sinta ku heysatay ayaa sheegtay in mid ka mid ah ilmaheeda oo mataano ah ay jirto isbitaalka, aadna u xanuunsantahay, loona baahanyahay lacag kumanaan doolar ah si loo daweeyo taasoo aysan awoodin.

Video laga soo duubay hooyadan oo lasoo dhigey baraha bulshada ayaa waxaa daawday dad gaaraya 2.5 milyan oo qof oo caalamka ku baahsan.

Arrintan waxay ka dhacday magaalada Shenzhen ee gobolka Guangdong ee dalka Shiinaha.

Eedeymo kala duwan ayaa loo jeedinayaa nidaamka caafimaadka dalka Shiinaha oo lagu sheegay inuusan u shaqaynin sidii loogu talo galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo booqashadii labaad ku tagaya Puntland & Xog ku aadan safarkiisa

Caydiid Ali

Macbad ay Yuhuud leeyihiin oo ay dad Muslimiin ah daryeelaan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Q/Midoobay oo dalbatay in cunaqabateyn caalami ah lagu soo rogo Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---