Q/Midoobay oo dalbatay in cunaqabateyn caalami ah lagu soo rogo Israel

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Falastiin,  Francesca Albanese ayaa beesha caalamka ugu baaqday in cuno-qabateyn caalami ah lagu soo rogo Israel oo ay ku eedeysay iney ku xad gudubtay xeerarka caalamiga ah.

Francesca Albase, ayaa sheegtay in Israa’iil aysan joojin doonin waallida ilaa ay dunidu ka soo horjeesato

“Iyadoo Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu ay Israa’iil ka codsanayso inay joojiso weerarka Rafah, Israa’iil waxay xoojisay weerarradeeda, Wararka aan halkaas ka helayo waa cabsi” ayey tiri

“Waa in la dhaqan geliyo cunaqabateynta hubka, waa in la joojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka siyaasadeed ee Israa’iil.” ayey ku baaqday

Jimcihii, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa amartay Israa’iil in ay  si degdeg ah u joojiso  hawlgalkeeda milatari ee lagu muransan yahay ee koonfurta Gaza ee Rafah, iyada oo sheegtay in xaaladda bini’aadantinimo ee halkaas ka jirta ay tahay “musiibo” lana filayo “in ay sii kordhiso.”

Toddoba bilood ka dib markii Xamaas ay weerartay Israa’iil, oo ay ku dishay ku dhawaad ​​1,200 oo qof ayna kaxaysteen 250 qof, dagaalka aargoosiga ah ee Israa’iil ayaa ku guuldareystay in uu gaaro hadafkii laga lahaa. Hogamiyayaasha sare ee Xamaas ayaa wali gacanta ku haya 125 la haystayaal ah. Qaza hadda waa dunsan tahay in ka badan 35,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay weerarka Israel, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee gobolka.

 

- Advertisement -