Macbad ay Yuhuud leeyihiin oo ay dad Muslimiin ah daryeelaan (Daawo Sawirro)

Macbad ay Yuhuuda ku lahaan jireen gobolka Kolkata ee dalka Hindiya ayay muddo dheer daryeelkiisa iyo dayactirkiisa gacanta ku hayaan dad Muslimiin ah, kuwaas oo fac ka fac sidaas soo samayn jiray.

Macbadkan oo lagu magacaabo Jerusalem of the East (Qudustii Bari), waa midka ugu da’da weyn ee ku yaalla gobolka Kolkata ee dalka Hindiya, halkaas oo ay mar degenaan jireen dad badan oo Yuhuud ah.

Laakiin dadka ka shaqeeya xanaanada macbadkan iyo nadaafaddiisa ma aha Yuhuud, waa dad Muslimiin ah, kuwaas darisnimo iyo aqoon dheer uu kala dhaxeeyo qoowmiyadda Yuhuuda ee magaaladaas.

AM Cohen oo ah agaasimaha guud ee bulshada Yuhuudda ee gobolka Kolkata ayaa sheegtay in muddo badan ay dadka Muslimiinta ah ka shaqeynayeen xannaanada macbadka oo hadda ah kan kaliya ee soo haray kadib markii dadkii Yuhuuda ay ka guureen dalka Hindiya, una laabteen dalka Israa’iil oo la asaasay sannadkii 1948-dii.

“Muslimiinta halkan ku nool ayaa gacanta ku hayay macbadka muddo aad u dheer, way nala soo koreen waxayna qeyb ka yihiin bulshada Yuhuuda ah ee ku sugan gobolka Kolkata”, ayey tidhi.

Sheekh Washim oo ka mid ah dadka magaaladan degan ayaa yiri “Maadaama aan bani’aadam nahay wax dhib ah uma aragno howshan, waxaan xannaaneyn karnaa macbadka Yuhuudda”.

Siraj Khan oo ka mid ah muslimiinta Macbadkaas xannaaneysa ayaa sheegay in awoowihiis uu ka shaqayn jiray meeshan, kadibna uu aabihiisa ka dhaxlay, markii uu muddo 60 sano ah howshaas soo waday, isaguna uu ku soo biiray ka hor inta uusan aabihiis howlgabka noqonin.

Sannadkii 1798-kii ayuu nin lagu magacaabi jiray Shalom B. Obadiah noqday qofkii ugu horreeyay ee Yuhuudi ah oo tagay gobolka Kolkata, isagoo halkaas ku tagay safar ganacsi

Ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii 2-aad ee dunida, magaalada Kolkata waxay hoy u ahay dad gaaraya 5,000 oo yuhuud ah.

Dadkaas qaarkood waxay kasoo qaxeen waddamada Suuriya, Ciraaq iyo Iiraan, waxaana loo yaqaannay Yuhuudda Baqdaadiyiinta ah(Baghdadi Jews).

Markii ay Hindiya qaadatay xornimada iyo markii la aasaasay Israa’iil ayey dadkii Yuhuudda ahaa intooda badan ka qaxeen dalkaas, si ay u dhisaan dhulka Yuhuuda.

Ian Zachariah oo ka mid ah mas’uuliyiinta yahuudda ee gobolkan ayaa sheegay in 1940-meeyadii ay halkaas ku yaalleen dhowr macbad oo buuxsami jiray xilliyada safaxa, laakiin hadda faaruq ah.

“Waxaa jiray 3 macbad oo waaweyn iyo 2 yaryar, Maanta sida aad aragtaan dhammaantood wa ebar cid joogtana ma laha”, ayuu yidhi.

Source-Bbc

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -