Xildhibaan Soomaaliyeed oo ka shifay in Imaaraatka Lacag ku bixinayso Bur burka Somalia

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in dowlada Imaaraaka Carabta lacag badan ku bixineyso maja xaabinta Dowladnimada Soomaaliya .

Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Imaaraatka lacag badan ku bixineyso bur burka Qaranimada Soomaaliya iyo sidii loo fashilin lahaa dowlada hada jirta.

Xildhibaanka ayaa uga digay Dowlada Imaaraadka Carabta in ay Soomaaliya ku bur buriyaan Hanti ay siiyaan siyaasiinta Soomaaliyeed oon dan ka laheyn qaranimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Dalxa  in Dowlada Imaaraadka Cabarta ay u muuqato in ay bilaawday qorshe balaaran oo loo adeegsanayo hanti si dalka loo bur buriyo loona kala dhantaalo qaranimada Soomaaliya.

” Dowlada Imaaraatka waxa ay hada mareysaa in dhaqaalaheeda u adeegsato bur burinta Soomaaliya , waxa ay adeegsaneysaa Siyaasiiin damiirku ka dhintay, waxaan leeyahay walaalayaal lacagta dalka ku duminaysaa ku bixiya dib u dhiska dalka” Ayuu Yiri Dalxa.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyaa in dhaqaalo badan ku bixineyso sidii loo fashilin lahaa dowlada talada heysa ay danteeda ka weysay, waxa ayna Imaaraatka adeegsaneysaa dad damiirku ka dhintay oo lacag ka door bidaya jiritaanka Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -