Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Soomaaliya oo mudo kadib yeeshaay Afhayeen Cusub

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay laheyn afhayeen ku hadla afka ciidankaasi, waxaana inta badan Warbaahinta la hadli jiray taliyaha ciidanka booliiska iyo taliye kuxigeenka booliiska.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa lagu magacaabay Afhayeenka cusub uu yeelanyo ciidanka booliiska Soomaaliya.

Afhayeenka cusub ee ciidanka booliisa Soomaaliya ayaa loo magacaabay sargaal dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Dhame Sadiiq Aadan Cali oo mudo dhoor sano ah kusoo dhax jiray ciidanka booliiska.

Sargaalkan loo magacaabay afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa tababaro kala duwan kusoo qaatay dalka dibadiisa, waana aqoonyahan ku hadla afaf kala duwan ay ku jiraan Ingiriis, Carabi iyo Talyaani.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Dowlada oo goordhaw fashiliyay qarax xili Banaan bax uu ka socdo Muqdisho

Cabdi Cade

Soomaaliya kaliya ayey ka dhici kartaa Siyaasadan layaabka leh !! (Bal Akhriso)

Cabdi Cade

Dowladda oo bilowday in xoog uga saarto dadkii degnaa Guryo kuyaalla Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---