Duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacday Koonfurta Somalia

Ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia ayaa sheegay in dayuuradahooda dagaalku ay laba weerar ku qaadeen fariisimo xoogaga a Al-Shabaab ku leeyihiin Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Wakaaladda wararka ee AP u sheegay in wixii xog ah ee ku aaddan duqeynta iyo weerarrada ka dhanka ah argagixisada ay la wadaagi doonaan dowladda federaalka.

Waxaa  uu xaqiijiyay inay dileen xubin ka mid ahaa Al-Shabaab, duqeyntuna ay ka dhacday agagaarka Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, balse ma bixin wax faahfaahin intaasi dheer iyo magaca sarkaalka la beegsaday.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii ay Ciidanka Maraykanku ay weerar ka dhacay agagaarka degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ku dileen 52 ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -