Shacab Careysan oo Muqdisho ku bur buriyay Guryo Jid Dhaxdiisa laga dhisay !! (Daawo Sawirro)

Degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxaa kusoo badanaya guryaha sida sharci darada ah loogu dhisanayo jidka dhaxdiisa, waxaana arintaasi walaac xoogan ka muujiyay shacabka Degan Degmadaasi.

Shacabka Dharkeenley oo u adkeysan waayay dhibaatada ay ku qabaan dadka jidka dhaxdiisa guryaha ka dhisanaya ayaa qaaday tilaabo ku dayasho mudan, waxa ayna bur buriyeen dhulkana la simeen labo guri oo wado dhaxdeeda  laga dhisay.

Labo Guri oo jiingad ah ayaa shalay laga dhisay Wado kutaala inta u Dhaxeysa xaafadaha Suuq Liif iyo Dabaqeynka, waxaana guryahaaasi dhulka shacri darada ah laga dhisay ka carooday dadka degan xaafada kuwaa oo saakay bilaabay in ay bur buriyaan .

Dadkii guryahan bur buriyay ayaa qaarkood horey usii qaatay jiingadihii iyo alwaaxyadii guryahaasi  laga dhisay, waxaana tilaabadan soo dhaweeyay dadka dagan xaafada gurigan laga dhisay.

Maamulka Degmada Dharkeenley oo marar badan loo geeyay cabashada guryaha jidadka dhaxdooda laga dhisto ayaan waxbo ka qaban, waana mida keentay in maanta shacabka ku dhiiradaan in gacamhaooda ku bur buriyaan guryaha sharci darada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -