Baarlamaanka oo maanta la filayo in ay aqbalaan Codsi uu Ra’isul Wasaaraha u gudbinayo

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho kulan ku yeeshaan xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya , kulankan ayaana waxaa xildhibaanada ku hortagaya Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ku fashilmay in muddo bil ah kusoo magacaabo golihiisa wasiirada ayaa maanta baarlamaanka ka codsanaya in muddo dheeraad ah siiyo si uu usoo magacaabo golaha wasiirada.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaana la filayaa in ay aqbalaan codsiga Ra’isul wasaare Xamse Cabdi Barre ee ku aadan in muddo dheeraad ah ugu daraan waqtiga uu kusoo magacaabayo golaha wasiirada .

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wali wada wadatashiyo ku aadan magacaabista golaha wasiirada, waxaana wararku sheegayaan in ay diyaarsan yihiin inta badan xubnaha kamid noqonaya golaha wasiirada balse aan la isku fahmin tirada laga dhigayo wasiirada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -